Daawo IRAQ: Daacish oo laga saaray xarumaha dowlada ee magaalada Fallujah – VIDEO

ciraaqCiraaq (NN) 18/06/2016

Ciidamada dowlada Ciraaq ayaa afar asbuuc oo dagaal ah kadib ku guuleystay inay la wareegaan gacan ku heynta xarumihii dowlada ee ku yaalay magaalada Fallujah.

Dagaalka Fallujah ee todobaadyadii lasoo dhaafay socday ayaa ahaa mid khasaaro badan oo nololeed keenay isla markaana sababay in shacabka magaaladaasi ay isaga qaxaan guryahooda.

Kooxda Daacish oo sanadihii lasoo dhaafay gacanta ku heysay magaaladaasi ay u badan yihiin dadka sunnida ah, ayaa tan iyo intuu dagaalka bilowday ka horjoogsanayey inay shacabka ka baxaan guryahooda, balse waxaa hada muuqata inay fasaxeen in dadka rayidka ah ay magaalada isaga bixi karaan.

Waxaa sidoo kale buuxsamay xeryaha barakacayaasha ee loogu talo galay dadka kasoo qaxaya magaalada Fallujah.

Raysalwasaaraha Ciraaq Xaydar Al Cabadi ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqay inay ku guuleysteen dagaalkii ka socday Fallujah, walow la sheegayo in maleeshiyaadka Daacish ay weli ku sugan yihiin qeybo kamid ah magaalada.

Comments are closed