DAAWO Jaalaiyadda Denmark oo shir la qaatey Musharax Siciid Deni – VIDEO

deganDenmark (NN) 18/06/2016

Copenhagen Jaaliayddda Soomaalida ee Dalka Denmark ayaa xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Somali League for Democracy ahna Musharaxa madaxweynaha Soomaaliya 2016 Dr. Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulnka dhexmarey jaaliyadda Soomaalida ee Denmark iyo Musharax Dr. Siciid Deni ayaa ahaa mid is waraysi ah, waxaana Musharaxu ka war bixiyey kulamo uu la qaatey hay’ado caalami ah oo ka dhisan Denmark iyo Madaxda Xisbiyada SDP iyo Altarnative party.

Khudbado ay qaar ka mid ah jaaliyaddu ka jeediyeen kulanka ayey kula dardaarmeen Musharaxa in Soomaaliya u baahan tahay Caddaalad iyo Sinaan iyo in dalka dib loo mideeyo, taasna ayaa u rajeynayaan in uu ku dhaqaaqo haddiiba rabbi u garto kursiga.

Dr. Siciid Cabdullaahi Deni oo la hadley jaaliyadda Denmark ayaa sheegay in dadka Soomaalidu u baahan yihin in dib wax loo baro, weliba la baro wax wadaaga iyo wada lahaanshaha waxa ka dhexeeyana ay wada ilaalsadaan. Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa jaaliyadda warbixin ka sii yeey kulamo uu la qaatey Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Denmark, madaxda qaar kamid ah Xisbiyadda iyo hay’ado kale.

Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa horay u soo noqdey Wasiirkii Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, waxaana bishii Abril Ururka Somali League for Democaracy u sharaxeen in u u tartamo xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2016.

Comments are closed