Natiijadii Imtixaankii Madaxweyne Gaas qaadey oo la sugayo!.

aasGaroowe (NN) 18/05/2016

Bilowgii sanadkan 2016 ka hor maalinta Madaxweynaha Puntland xuso doorashadiisi 8 Janaayo ayaa caasimadda Puntland lagu qabtey shirar loogu magacdaray isla xisaabtanka xukuumadda. Ma ahayn markii kowaad ee la qabto sanadkii hore 2015 ayaa sidaan oo kale Madaxweynaha Puntland shirar si toos ah warbaahinta looga sii daynaayo la yeeshey xukuumadiisa iyada oo Wasaarad kastaa soo bandhigeyso waxay qabatey.

Shacabka Puntland ayaa ku kala aragti duwanaa Imtixaanadaas ama isla xisaabtankaas Madaxweynuhu qaadaayey, dad badan ayaa soo dhaweeyey una arkey in ay qayb ka tahay maamul wanaaga, halka in badan oo kale ay ku tilmaameen riwaayad xukuumaddu dhigayso kuwaas oo u eg tartamada Heesaha Hirgalay. Dad badan ayaa is weydiiyey Xukuumaddu cidda ay u rahman tahay la xisaabtan ma baarlamaankaa mise waa isla xukuumadda dhexdeeda maadaama Madaxweynuhu uu yahay qofka hoggaamiya Xukuumadda.

Shirarka Xukuumadda maxaa looga hadlaa?

Xukuumadda Dr. Cabdiweli Gaas waxay shirtaa maalinkatsa oo Khamiis ah, shirarka xukuumadda laguma casumo saxaafadda si la mid ah xukumadihii soo marey Puntland oo saxaafaddu goob joog ka ahaan jirtey shirarka, waxaana ka soo baxa warmurtiyeed isku mid ah isku erayona lagu qoray markasta, kaas oo ku bilowda “Amnigu waa fiican yahay”, iyo warbixin ayaa Wasiir hebel laga dhegaystey. Shirarka todobaadlaha ah ee Xukuumaduhu yeeshaan ayaa ah isla xisaabtan waxa Wasaarad kasta qabatey todobaadkaas, waxaana lagu tilmaamaa isla xisaabtanka todobaadlaha ah.

Baarlamanka Puntland

Sida uu qabo dastuurka Puntland, golaha Wakiilada ayaa shacabka metalaya isla markaana golaha fulinta (Xukuumadda) ku daba gala fulinta shaqooyinka loo igmadey, Horeyna uma dhicin marna in Golaha Wakiiladu xisaabtan dhab ah la galaan Xukuumadda, sababta keentey ayaa ah qaababka lagu soo xuley, aqoontooda, baahida, iyo danaha shakhsiyadeed.

Natiijada imtixaankii Janaayo 2016

Madaxweynaha Puntland ayaa 15jun furay kalfadhigii 37  ee aa Golaha Wakiilada Puntland tan iyo markii la asaasey Puntland, sida uu sheegey kusimaha Afhayeenka golaha Wakiilada Puntland Cabdixamiid Cabdisalaam Ciise, waxa ugu weyn ee ay ka hadlayaan kalfadhigan ayaa ah la xisaabtanka xukuumadda gaar ahaan tayeynta amniga, mashaariicda iyo hormarinta dhaqaalaha.

Dr. Cabdiweli Cali gaas oo u muuqdey mid ka digtoon in Baarlamaanka ay kaga timaado kacdoon ayaa shacabka xusuusiyey arrin la hilmaamey si ka duwan sida uu u yirise loo hadal hayo. Madaxweynaha ayaa sheegay in bishii Janaayo uu Xukuumadiisa la yeeshey la xisaabtan,mirihii iyo natiijadii ka soo baxdeyna dhawaan la filaayo oo la shaacinaayo!.

Muddooyinkii u danbeeyey waxaa la hadal hayey in Dr. Cabdiweli Gaas isku shaandheyn kale xukuumadiisa ku samaynaayo, waxaana in badan oo shacabka ka mid ah sheegayaan in fasiraada hadalka Madaxweynaha ay xoojineyso hadalhaynta Xukumad cusub, Imtixaankii uu qaadey Bishii janaayo ayaa la filayaa in la soo dhejinayo bisha Luuliyo, Imtixaanka ayaa yeelanaya kuwo ku guulesyta oo xejista booskooda ama meel ka fiican la geeyo iyo kuwo ku saaqida oo jaranjarta ka dhaca.

Waxaase la is-weydiinaya Madaxweynaha Puntland goorma ayaa imtixaan laga qaadayaa isaga? yaase ka qaadi kara?, su’aalihii u danbeeyey ee Xildhibaanadu la yeeshaan kalfadhigii hore waxay galaafatey Afhayeenkii xiligaas Siciid Xasan Shire.

Comments are closed