Daawo Dekadda Muqdisho oo lagu soo kordhiyey Terminal cusub – VIDEO

xasan airporMuqdisho (NN) 19/06/2016

Shirkad si gaar ah loo lee yahay oo lagu magacaabo SIMATECH International ayaa meel ka baxsan dekadda Muqdisho ka hirgelisey terminal cusub oo ah nooca loo yaqaan “Dry Port” waxaana ay culeyska ka qaadi doontaa sida la sheegay Dekadda Weyn ee Muqdisho oo hadda aad mashquul u ah.

Munaasabad xariga looga jaray Terminaalka cusub ayaa ka dhacdey Dekadda Muqdisho. Waxaana xariga ka jaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu furitaankii ka jeediyey khudbad kooban oo uu uga hadlaayo Maalgashiga.

Terminalkan cusub oo ku yaalla meel ka yara baxsan dekedda ayaa loo adeegsan doonaa in la dhigo dhammaan konteenarada laga soo dejiyo Dekedda Muqdisho, halkaasina lagu marsiin doono nidaamka dejinta ee isugu jirta baarista, sugidda iyo canshuuraha badeecadaha kala duwan.

Waxaa Terminalkan cusub uu culeyska ka qaadi doona Dekedda Muqdisho, iyadoo la filayo in sidoo kale ay fududaan doonto muddada dejinta badeecadaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadal uu halkaa ka jeediyay waxaa uu u mahad celiyay shirkadda SIMATECH International oo iyadu maalgelisay hirgelinta mashruucan muhiimka ah.

“Siyaasadda dowladda ee dhinaca dhaqaalaha waa mid ku dhisan dhiirigelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay. Mashruucan ay shirkada Simatech ka fulisay Muqdisho waxaa u daliil cad u yahay in aan diyaar u nahay maalgashi dhaqaalaheena lagu kobcinayo. Waxaa qorshaha inoogu jira in aan sameysano xarumo kale oo dekedaha noocaan loo yaqaano “Dry Port’’ si aan ula jaanqaadno kobaca ganacsiga iyo dhaqaalaha dalkeena’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Shirkadda SIMATECH International ayaa ka diiwaan gashan dalka UK waxaana guddoomiye ka ah Mohamed Reza Maghami oo u dhashey dalka IRAN.

Comments are closed