Morsi oo Xukun Lagu Riday; Waa 25 Sano oo Xarig ah

rsiMasar (NN) 19/06/2016

Madaxweynihii hore ee dalka Masar, Maxamed Morsi ayaa maxkamad waxay ku ridday shalay galinkii dambe xukun ah 25 sano oo xarig ah.

Xukun kaa la mid ah (25 sano oo xarig ah) ayaa iyana lagu riday kaaliyeyaashiisii. Xukunkaa ayaa eed ballaaran ay ka timid.

Maxkamad dalkaa kutaal ayaa xukunkeeda kama dambeysta ah ku ridday 11 qof oo madaxweynahaa dawladiisii la af gambiyay uu ka mid ahaa shalay galinkii dambe.

Dadkaa la xukumay ayaa waxaa ka mid ahaa wariyeyaal ka tirsan Al-Jazeera kuwaasoo lagu soo oogay dacwad ah inay sirta dalkaa Masar u gudbiyeen Qatar.

Wariyeyaasha Al-Jazeera waxaa la xukumay ayagoo maqan.

Lix ka mid ah dadkaa ayaa shalay lagu xukumay dil.

Xukunkaa hore kadib ayaa maxkamadaas oo kutaal Qaahira, waa caasimada Masare ay tahay inay raadiso tala bixinta muftiga ugu sareeya Masar, Mufti Shawqi Allam si uu u gabagabeeyo xukunadaa.

Xukunka 25ka sano ah ee xarigga ah ayaa waxaa la dhihi karaa wuxuu u dhigmaa xabsi daaim dalkaa Masar marka loo eego maadaama dalkaasi Masar xabsi daaimku u dhigmo ugu yaraan 25 sano oo xabsi ah!

Madaxweyne Morsi ayaa dawladiisii la af gambiyay kadib markii uu un talada dalkaa haayay 1 sano oo qura asagoo dacwado badan lagu soo oogay.

Dalka Masar iminka waxaa ka talisa dawlad militari ah. Morsi wuxuu talada dalkaa qabtay 1kaa sano kadib markii kacdoonkii dalalka Carabta ka dhacay lagu tuuray madaxweynihii muddada dheer dalkaa u talinaayay ee Maxamed Xusni Mubaarak.

Si kastaba ha ahaatee, hasoo wareegatee ugu dambeyn xukunkii dawladnimo wuxuu dib ugu noqday militariga dalkaa!

 

Comments are closed