Wasaradda Amniga Soomaaliya oo Sheegtay in la Fashiliyay Qarax laga soo buuxiyay Mooto Bajaaj

bajaajMuqdisho (NN) 19/06/2016

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Somalia, ayaa sheegay in la Fashiliyay Xalay Mooto Bajaaj laga soo buuxiyay Walxaha qarxa, lana doonaayay in lagu Qalqal-geliyo Xasilloonida Caasimadda Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaarada Amniga C/kaamil Macallin, ayaa xusay in Mootadaas uu la socday ruux ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab, taasoo ciidamada Amniga ay ku joojiyeen Waddada Warshadaha, Laakiinse uu ka dhego-adaygay Amarka ciidamada, isagoo ugu dambeyntiina is-qarxiyay.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in Mootadaan ay ku Qaraxday Meel ku dhow Xero Jarmal, uuna ku dhintay Ruuxii waday oo uu sheegay inuu ka tirsanaa Al-shabaab oo kula jirta dagaal Dowladda Somalia iyo Ciidamada AMISOM.

“Ciidamada Amnigu Waxay goobtii uu Qaraxu ka dhacay ka billaabeen Baaritaanno ay ku ogaanayan halka lagu soo diyaariyay,” ayuu hadalkiisa ku daray C/kaamil Macallin Shukri, oo intaas ku daray in baaritaannada soo baxa la shaacin doono.

Ugu dambeyntii, Afhayeenka, ayaa ka gaabsaday halka uu weerarkan ku wajahnaa, Sababo ku aaddan Hay’adaha Ammaanka oo aan weli soo Gaba-gabeen Baaritaanada ay gacanta ku hayaan sida uu hadalka u dhigay

 

Comments are closed