Madaxweynaha DDSI oo dib ugu soo Laabtay Addisababa kuna Sii Wajahan Caasimada Jigjiga

20160620_081146Addisababa  (ESTV) 20/06/2016

Madaxweynaha Dawlada deegaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa Dib ugu soo laabtay Addis Ababa, kaddib markii uu booqasho Shaqo ku gaadhay dalka Australia halkaasi oo uu kulam kula yeeshay Mas’uuliinta ugu Sareysa dalka Australia Sida Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiiro kale halkaasi oo ku dhax maray Aqoon iswaydaarsi.

Madaxweynaha ayaa intii uu Joogay Australia ayaa kulamo Taariikhi Ah la qaaday Xubnaha Taageerayaasha Xisbiga XDHSI iyo Xubnaha Jaaliyadda DDSI iyo Ganacsato kala duwan oo u dhashay Deegaanka sifa ay Maal-gashi xoogan ay uga Sameystaan Dalkooda.

Waxaa kaloo uu madaxweynaha intii uu joogay Magaalada Melbourne oo shirweyne Taariikhi Ah kula Qaatay Jaaliyadda DDSI ee Magaalada Melbourne oo ku dhaqan Qurbajoogta dawlada deegaanka Somalida itoobiya oo Siweyn oo Xamaasid ku jirta ugu Soo dhaweeyeen Madaxweynaha iyo Wafdigiisa.

Sidoo Magaalada Sydney ayaa Halkaasi Jaaliyadda DDSI Wacdaro ka dhigay Halkaasi oo Sidookale Shirweyn lagu qabtay Taasoo Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar uga Mahad Celiyay dhamaan Masuuliyiinta Jaaliyadda DDSI sida Sharafta leh ay u soo dhaweeyeen.

Madaxweynaha & wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Addisababa kusoo dhaweeyay Masuuliyiin heer Federaalka, madaxweynaha ayaa ku sii wajahan Caasimada Dowladda deegaanka Somalida itoobiya ee Xarun DDSI Ee Magaalada Jigjiga.

Comments are closed