DAAWO Muqdisho: Hawlgalo lagu adkeenayo amaanka wakhtiga ka haray Ramadanka – VIDEO

bbMuqdisho (NN) 21/06/2016

Magaalada Muqdisho ayey ka socdaan hawlgalo xiliyadii habeenkii ay ciidamada amaanka baaritaano ku sameeyaan qeybo kamid ah magaalada, dhaq dhaqaaqan ayaa la sheegay in lagu adkeenayo amaanka caasimada inta ka hartay bisha barakeysan ee Ramadanka.

Ciidamada Nabadsugida iyo kuwa Booliiska ayaa habeenadii lasoo dhaafay baaritaano ka sameeyey xaafadaha magaalada qaarkood gaar ahaan kuwa ku dhaw dhaw xarumaha dowlada iyo waliba isgoysyada waaweyn ee magaalada.

Kooxda Al Shabaab ayaa laga cabsi qabaa in maalmaha ka haray bisha barakeysan ee Ramadanka ay weeraro horleh ka fuliyaan goobaha dadka isugu yimaado ee magaalada Muqdisho.

Dadaalka cusub oo ay wadaan ciidamada amaanka ayaa sidoo kale kusoo beegmay xili isbedalo lagu sameeyey hogaanka sare ee ciidamada nabadsugida iyo Booliiska gobalka Banaadir.

Comments are closed