Jigjiga (ESTV) 20/06/2016
Madaxweynaha DDSI ayaa Waxaa Airport ka ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ay kamid yihiin Gudoomiyaha Xisbiga Ahna Afhayeenka Baarlamaanka Mudane Maxamed Rashiid Isaaqiyo Madaxa Xarunta Dhexe Xisbiga Mudane C/casiis Maxamed Cabdi, iyo Madaxweyne Kuxigeenka DDSI Marwo Sucaad Axmed Faarax iyo mas’uuliin kale.
Madaxweynaha ayaa intii uu Joogay Australia ayaa kulamo Taariikhi Ah la qaaday Xubnaha Taageerayaasha Xisbiga XDHSI iyo Xubnaha Jaaliyadda DDSI iyo Ganacsato kala duwan oo u dhashay Deegaanka sifa ay Maal-gashi xoogan ay uga Sameystaan Dalkooda.
Waxaa kaloo uu madaxweynaha intii uu joogay Magaalada Melbourne oo shirweyne Taariikhi Ah kula Qaatay Jaaliyadda DDSI ee Magaalada Melbourne oo ku dhaqan Qurbajoogta dawlada deegaanka Somalida itoobiya oo Siweyn oo Xamaasid ku jirta ugu Soo dhaweeyeen Madaxweynaha iyo Wafdigiisa.
Sidoo Magaalada Sydney ayaa Halkaasi Jaaliyadda DDSI Wacdaro ka dhigay Halkaasi oo Sidookale Shirweyn lagu qabtay Taasoo Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar uga Mahad Celiyay dhamaan Masuuliyiinta Jaaliyadda DDSI sida Sharafta leh ay u soo dhaweeyeen.
Comments are closed