Wafti ka socday dowlada soomaliya oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee garaad wiil airport

jiga2Jigjiga (ESTV) 22/06/2016

Waftigan ka socday dawlada soomaliya oo uu hogaaminayay xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arimaha gudaha soomaliya mudane Yaxye Cali Ibraahin ayaa waxaa si meeqaam sare ah ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha garaad wiil waal Airport qaarka mid ah masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxwayne ku xigeenka ahna madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane cabdicasiis maxamed cabdi, afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudan maxamedrashiid isaaq iyo masuuliyiin kale.

jigjiga1hadaba Afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiayaha XDHSI mudan maxamedrashiid isaaq oo la hadlay warbaahinta DDSI ayaa sheegay in ujeedada socdaalka wafigani ay tahay aqoon iswaydaarsi ku saabsan nidaamka federalismka iyo qaabdhismeedka dawladnimo ee federalism Waftigan ayaa intay joogaan kulamo aqoon si waydaarsiya la qaadan doona xukumada DDSI

Comments are closed