Baydhabo: Beesha caalamka iyo Madaxda Soomaalida oo shir gooni ah wada qaatey

baydhaboBaydhabo (NN) 23/06/2016

Arabacaadii shalay waxaa ka furmey magaalada Baydhabo shirkii Madasha Hoggaanka Qaranka ee geeddi socodka Doorashooyinka 2016, shirkan ayaa socon tan iyo maalinta beri ah sida lo qorsheeyey.

Subaxnimadii maanta waxaa shir dhinac ah Baydhabo ku yeeshay Danjirayaasha Beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya gaar ahaan kuwa daneeya oo taageera arrimaha Siyaasadda ee Soomaaliya iyo Madaxda Dowladda Federaalka iyo Hoggaamiyaasha Dowald Goboleedyada.

madashaaa

4ff50fd2-adc0-4ba9-a3ee-8e14a618c884

Danjirayaasha Beesha Caalamka ayaa hoggaamiyaasha Soomaalida kala hadlay sidii shirkan u noqon lahaa miro dhal aan mid danbe loogu ballamin, maadaama waqtigu aad u yar yahay, Danjirayaasha Beesha caalamka ayaa u sheegay Madaxda Soomaalida in ay isla meel dhigaan dhamaan hannaanka dooradshada iyo guddiyada lana mudeeyo wakhti sax ah si loo malgeliyo.

Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Michael Keating ayaa sheegay in shirku ahaa mid wanaagsan oo guul ku soo dhamaadey oo la isla qaatey, in geeddi socodka doorashooyinku noqdo mid la isku haleyn karo oo wax ku ool ah.

Hoggaamiyaasha Madasha Qaranka ayaa Beesha Caalamka ka dalabadey in la soo dedejiyo dhaqaalihii loogu tala galay doorashooyinka 2016.

Hoggaamiyaasha Madasha Qaranka ayaa shirkoodi galay maalintii labaad, waxaana maanta intiisa badan loga hadlaayey qoonadada haweenka ee 30% sida loo fulin karo, waxaana lagu wadaa in la soo xiro shirka beri oo Jimcada ah gelinka danbe ama maalinta Sabtida.

 

Comments are closed