DAAWO USA: Xildhibaanada Xisbiga Dimuquraadiga oo gadood ka bilaabay Aqalka Kongareeska – Sawiro/VIDEO

mareykanka1Mareykanka (NN) 23/06/2016

Xildhibaanada Xisbiga Dimuquraadiga ah ee wadanka Maraykanka ayaa olole ka dhex bilaabay Aqalka Kongareeska kadib markii xisbiga Jamhuuriga uu hor istaagay in la ansixiyo sharciyo lagu xakameenayo iibka hubka kadib weerarkii ka dhacay magaalada Orlando.

Olole-Dimuquraadiga-Kongareeska4

Xisbiga Jamhuuriga oo isagu kuraasta ugu badan kuleh labada Aqal ee Maraykanka ayaa maalin kahor joojiyey mooshin ay keeneen Dimuquraadiga Aqalka Sare oo lagu doonayey in lagu hirgeliyo sharciyo cusub oo lagu xakameenayo iibka hubka shacabka ay gataan. Si looga hortago weerarada badan ee sanad walba ka dhaca dalkaasi.

Xildhibaanada Dimuquraadiga ayaa kalfadhiga Aqalka Kongareeska ka sameeyey gadood iyagoo horjoogsaday in golahaasi mooshinada kale laga doodo illaa inta marka hore laga hadlayo arrinta hubka.

Dhinaca Jamhuuriga ayaa ku doodaya in hubka uusan ahayn khatarta balse waxay sheegeen in khatartu ay tahay kooxaha Argagaxisada ah iyo waxay ugu yeeraan Islaamiyiinta Xagjirka ah. Xildhibaanada Jamhuuriga ayaa intooda badan difaaca shirkadaha hubka soo saara oo ay ka qaataan lacago badan.

Xiisadan ka bilaabatay Kalfadhiga Kongareeska Maraykanka ayaa ah mid aan horey loo arag in muddo ah.

Guddoomiyaha Paul Ryan oo isagu ah xisbiga Jamhuuriga ayaa horjoogsaday mooshinka ay wadaan Dimuquraadiga, wuxuuna kadib ku dhawaaqay in kalfadhiga xiran yahay, balse xildhibaanada Dimuquraadiga ayaa diiday inay goobta ka baxaan illaa laga hadlo mooshinka ay wadaan, iyagoona bilaabay inay dhulka fariistaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sidoo kale la sheegay inuu amar ku bixiyey in la joojiyo kamerooyinka ku rakiban Aqalka ee sida tooska ah Telefishinka uga baahiya kalfadhiyada Golayaasha. Balse Xildhibaanada Dimuquraadiga ayaa bilaabay inay telefoonadooda gacanta u adeegsadaan baahinta wax ka dhex socda Golaha Kongareeska oo ay ku shaaciyeen barahooda Twitterka iyo Facebook.

Comments are closed