Kuuriyada Waqooyi oo ku guuleysatay tijaabinta Gantaal laga mamnuucay

kuriyaKuuriya-waqooyi (NN) 23/06/2016

Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta oo Khamiis ah shaacisay inay ku guuleysatay gantaal ay Arbacadii shalay tijaabisay.

Labo gantaal oo nooca ridada dheer ah oo laga soo tuuray dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa shalay kusoo dhacay bada wadanka Japan. Gantaaladan la tijaabiyey ayaa ah nooca horey looga mamnuucay inuu wadankaasi sameeyo.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in lagu guuleystay tijaabadan muhiimka ah, isagoona sheegay in gantaaladan ay yihiin kuwo gaari kara dhamaan saldhigyada militari ee Maraykanka ku leeyahay gobalkaasi beriga iyo badaba. Waxaa sidan lagu shaaciyey warbaahinta dowlada KCNA.

Dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa horaantii sanadkan lagu soo rogay cunaqabateyn dheeraad ah kadib markii ay tijaabiyeen hubka nukliyeerka iyo in ka badan 100 gantaal oo ah nooca ridada dheer oo ay doonayaan inay mustaqbalka u adeegsadaan hubkooda Nukliyeerka.

Comments are closed