Nigeria: Burcad afduubatay shaqaale ajaanib ah oo u shaqeeya Shirkada Shamiintada

geraNogeria (NN) 23/06/2016

Dowlada Najeeriya ayaa xaqiijisay in kooxo burcad ah ay qafaasheen 7 qof oo u badan ajaanib oo u shaqeeya shirkad laga leeyahay dalka Australia oo dhulka qoda.

Weerarkan ayaa Arbacadii shalay ka dhacay nawaaxiga magaalada Calabar oo xarunta gobalka Cross River State oo ku yaal koonfurta wadankaasi Najeeriya (Nigeria).

Burcadan ayaa la sheegay inay dileen darawelkii gaariga ku waday shaqaalahan kadibna afduubtay dadka oo kasoo kala jeeda; 3 u dhalatay Australia, 1 qof oo u dhashay New Zealand, 1 qof oo u dhashay koonfur Afrika iyo 2 labo nin oo u dhashay dalka Nigeria.

Dhamaan dadkan la afduubay ayaa u shaqeenayey shirkada Macmahon oo laga leeyahay Australia.

Shirkada Macmahon Mining ayaa ah mid heshiis kula jirta shirkada Shamiintada ee dowlada Nigeria, waxayna ka hawlgashaa gobalkaasi.

Kooxda wax afduubatay ayaa la sheegay inay dooni ku qaateen dadka ay qafaasheen, illaa iyo hadana maysan soo saarin wax codsi ah ama madaxfurasho ah.

Macada in kooxdan wax afduubatay ay yihiin Burcad Badeeda dalka Nayjeeriya oo iyagu horey lagu yiqiinay inay maraakiibta afduubtaan ama inay yihiin kooxo kale.

Raysalwasaaraha Australia Malcolm Turnbull ayaa sheegay inay dowlada Nigeria kala shaqeenayaan sidii dadkan loo soo siideyn lahaa

Comments are closed