Qarax ka dhacay Muqdisho oo saddex askeri ku geeriyoodeen

muqdishoMuqdisho (NN) 23/06/2016

Subaxnimadii maanta oo khamiis ah ayaa qarax weyn laga maqley xaafadda Waxara-cade ee degmada Huriwaa, waqooyiga Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob ciidamada amaanku ku baaraan gawaarida. Dad ku dhaw halka qaraxu ka dhacay ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ugu yaraan saddex askeri ku geeriyoodeen qaraxa.

Laamaha amaanka ee Dowladda federaalka ayaan ka hadlin, waxaana xaafadda Waxara cadde ka bilowdey baaritaan lagu baadi goobayo cidda ka danbeysey qaraxa.

Comments are closed