Jigjiga (ESTV) 24/06/2016
Tababarkan ayaa waxaa ugu horayn furitaankisii ka hadlay Afhayeenka Golaha Baarlamaanka DDSI ahna Gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq oo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay furitaanka tababarkan. Wuxuuna xusay afhayeenku in tababarkani yahay mid aad muhiim u ah islamarkaana lagu baranayo shuruucda dalka ee uu ugu horeeyo dastuurka dalka JDFI. Wuxuuna kula dardaarmay kaqaybgalayaasha in sifiican looga faa iidaysto casharada lagu baranayo tababarka islamarkaana ay sii gaadhsiiyaan goobihii ay ka kalayimaadeen.
Sikastaba ha ahaatee tababarkan oo ah tababar lagu baranayo shuruucda kaladuwan ee dalka ee u ugu horeeyo dastuurka dlka JDFI ayaa socon doona mudo 3 cisho ah.
Comments are closed