Wasiiradii Caafimaadka iyo Waxbarashada Soomaaliya oo xilki laga qaadey

garooweMuqdisho (NN) 24/06/2016

 War ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu oggoladey xil ka qaadis Raysalwasaaruha Soomaaliya ku sameeyey laba xubnood oo kamid ahaa xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Waxaa xilkii laga qaadey Marwo Khadra Bashiir Cali oo ahayd Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Marwo Xaawo Xasan Maxamed oo ahayd Wasiirka Caafimaadka.

Labada Marwo ee xilka laga qaadey ayaa lagu beddalay labo Mudane oo mid kamid Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Waxbarashada ayaa loo magacaabey Dr Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka horeyna Puntland wasiir uga noqdey.

Wasiirka Caafimaadka ayaa loo magacaabey Mudane Maxamed Xaaji Cabdinuur.

Inkasta oo laba gabdhood xilka laga qaadey oo ka mid ahaa saddexda gabdhood ee keliya ee xukuumadda ku jirta, ayaa lagu beddalay laba nin, waxaana loo badinayaa in isbeddelkan la xiriiro Doorashooyinka 2016 oo ay dhici karto labada qof ee xilalka loo magacaabey in ay dib u soo galayaan Baarlamaanka.

Comments are closed