Digniin Kadib Markii Rag Looga Shakiyay Inay Shabaab Yihiin Ay Burburiyeen Anteeno

dhamaseDhamase (NN) 25/06/2016

 

Sida saaka ay tabinayso warbaahinta gudaha Kenya rag looga shakiyay ama la tuhmay inay ka tirsan yihiin xarakada Al-shabaab ayaa burburiyay bir anteeno ahayd oo isgaarsiineed oo kutaalay tuula Dhamase, dhanka Kenya.

Ragaas lagu tuhmay inay yihiin Al-shabaab ayaa sidoo kale waxay burburiyeen ceel aalad biyaha lagu soo saaro ay ku xirneyd isla Dhamase, dhanka Kenya.

Dhacdadaas ayaa dhacday shalay Jimcihii galinkii dambe.

Sidoo kale xog sir ah oo la helay ayaa muujisay in shalay subax la arkay 13 gaari oo waaweyn oo siday dabley. Waxaa lagu arkay Ceel Cadde, Gedo Soomaaliya.

Ceel Cadde ayaa ahayd halkii lagu galay bishii Janaayo xerada ciidamada KDF ee AMISOM halkaas oo khasaare nafeed uu ka dhashay.

Haatan ayaa gawaaridaa dableyda saarnayd waxaa ilo-wareedyo sheegayaan inay kusii jeedeen Bor Haje oo sidoo kale loo yaqaano Ceel Waaq Soomaaliya si ay weeraro kale ugu qaadaan ciidamada Kenya ee KDF ee AMISOM iyo xeryo kale oo ay halkaa ku leeyihiin.

Ilo-wareedyo kale ayaa tibaaxay inay mayee kusii jeedeen fariisimo ciidamada Soomaaliya ay halkaa ku leeyihiin si ay weeraro ugu qaadaan.

Labo maalmood ka hor magaalada taa u dhow ee dhanka Kenya ee Ceel Waaq Kenya deegaan ka tirsan oo diyaaradaha dagaalka ee Kenya ay weerareen, waxaa ku dhintay duqen ay geysteen afar carruur ah, waxayna kala ahaayeen gabar iyo saddex wiil.

Dibad baxyo looga soo horjeedo dhibkaa ayaa dabadeed ka dhacay magaaladaasi Ceel Waaq Kenya ayadoo mudaaharaadeyaal ka careysan falkaa duqeynta ah ee lagu dilay carruurtaa ay giraamaha gawaarida ku gubeen jidadka

 

Comments are closed