Khasaarihii ka dhashay Weerarkii Hotel Naaso Hablood iyo Al-shabaab oo sheegatay

qaraxMuqdisho (NN) 25/06/2016

Ugu yaraan 12-qof ayaa ku Geeriyooday tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen, Qaraxyo Is-miidaamin ah iyo weerar toos ah oo lagu qaaday gellinkii dambe ee maanta Hoteelka Naasa Hamblood One ee Magaalada Muqdisho.

Col. Cali Xasan oo ka tirsan saraakiisha booliiska Somalia ayaa Warbaahinta u sheegay in Weerarkan uu ahaa mid khasaare dhaliyay, isla markaana weli ay xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladdu ku dagaalamayaan gudaha iyo daafaha Hoteelka.

“Weerarradan oo isugu jiray Qaraxyo iyo kuwo toos ah waxaa ku geeriyooday in ka badan 12-qof, tiro intaas ka badanna way ku Dhinteen,” ayuu Sarkaalku u sheegay Wrabaahinta Qaybaheeda kala duwan.

Al-shabaab ayaa sheegay mas’uuliyadda weerarkan, iyagoo xusay inuu ahaa mid qorsheysan, ayna xoogaggoodu ku jiraan gudaha Hoteelka oo ay Askar ka tisran ciidamada dowladda Somalia kula dagaalamayaan.

Goobjoogayaal, ayaa sheegay in Qaraxyada Hoteelka lala beegsaday ay aad u cuslaayeen, Waxaana goobtaas dadka dhaawacyada ah ka qaaday Gaadiid Gurmadka deg-dega ah oo gaarsiiyay Isbitaalka Caafimaadka.

Ugu dambeyntii, Lama oga khasaaraha Ramsig ah ee ka dhashay Weerarradaan oo ahaa kuwo Culus, iyadoo Qaraxyadan ay burbur xoog leh gaarsiiyeen inta badan dhismayaasha ku dhaw Hoteelka.

 

Comments are closed