Scotland iyo Nothern Ireland oo ka fekeraya inay ka goostaan UK kadib aftidii EU-da

scotlandScotland (NN) 25/06/2016

Gobalada Scotland iyo Nothern Ireland oo iyagu si weyn u taageersanaa inay kasii mid ahaadaan Midowga Yurub ayaa sheegay inay hada bilaabayaan dadaal cusub oo ay madax banaani ku helayaan kadib markii inta badan gobalada kale ee wadanka UK u codeeyeen inay ka baxaan EU-da.

england-scotland-wales-northern-ireland

Inta badan shacabka Scotland, Nothern Ireland iyo waliba caasimada London ayaa si weyn uga soo horjeeday in UK ka baxdo EU-da balse waxaa ka xoog batay cododka deegaanada kale ee gobalada England iyo Wales oo iyagu si weyn looga codeeyey inay wadanka UK isaga baxo Midowga Yurub.

Hogaamiso-Scotland

Haweenayda hogaamisa Scotland Nicola Sturgeon ayaa sheegtay inay kulan deg deg ah yeelan doonaan ismaamulka Scotland iyagoona eegaya sidii loo diyaarin lahaa afti kale oo ay Scotland uga goosato UK.

Sidoo kale gobalka Nothern Ireland oo hoos yimaada UK ayaa isaguna walaac ka muujiyey natiijada aftidii, isla markaana sheegay in dhaqaalahooda si weyn ugu xiraan Midowga Yurub. Gobalkan ayaa sidoo kale wada qorshe uu kula midoobayo Wadanka Ireland (Koonfurta Ireland) oo ay xaduud wadaagaan isla markaana kamid ah Midowga Yurub.

Xiisadan ka dhalatay Aftidii loo qaaday xubinimada UK ayaa horey usii galaafatay Raysalwasaare David Cameron oo isagu sheegay inuu xilka wareejinayo bisha Oktoober kadib markii xisbigiisa uu yeesho shirweynahooda oo la filayo in hogaamiye cusub lagu soo dooran doono. Cameron ayaa sheegay inuusan diyaar u ahayn inuu faraha la galo caqabooyinka cusub ee hada horyaal dalka UK oo ka baxaya Midowga Yurub iyo gorgortanka xoogan oo ay la geli doonaan wadamada kale EU-da.

Dhinaca kale waxaa hoos u dhac weyn ku yimid durbaba qiimaha lacagta Istarliinka ama Pound-ka Ingiriiska iyadoo maalgashiyaasha caalamka ay bilaabeen inay lacagtooda kala baxaan suuqyada Ingiriiska iyagoo ka walaacsan in khasaare kasoo gaaro hoos u dhaca suuqaasi mar hadii dalkaasi uu ka baxay Suuqa weyn ee Midowga Yurub.

Comments are closed