Jigjiga (NN) 25/06/2016
Hadaba, wakiilka oo hadal kooban kasoo jeediyay madashaas ayaa ugu horayn aad u amaanay nidaamka federalismka ah ee dalku kudhaqmo iyo dimoqraadiyada dhabta ah ee xuquuqaha, sinaanta, cadaalada iyo awoodaha dawlad deegaanadu leeyihiin, qaabdhismeedka iyo waliba sharciga iyo kaladanbaynta oo dhamaan uu mideeyay dastuur mid ah.
Dhanka kale, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo gudoomay shahaado sharaftan ayaa uga mahadceliyay waftiga kago’naanshaha iyo wakhtiga ay uhureen qaadashada aqoonta federalismka iyo waliba inay gaadhaan ilaa degmooyinka qaar si ay usii korodhsadaan aqoonta federalismka iyo nidaamyada ismaamul ee uu leeyahay. Wuxuuna kuladardaarmay mas’uuliyiinta dawlada federalka soomaaliya inay sii wadaan ladagaalanka argagixisada si nabadi udhalato kadibna nolosha shacabka iyo horumarka dalkoodu uu dib ugu soo laabto. Madaxwaynaha ayaana hadalkiisii kusoo xidhay inay mas’uuliyiintu iskudayaan sidii ay casharadan ficil ugu muujin lahaayeen.
Comments are closed