Wakiilka IGAD ee u fadhiya Somalia Shahaado sharaf uu gudoonsiyay Madaxweyne Cabdi

aigadJigjiga (NN) 25/06/2016

Wakiilka IGAD ufadhiya Soomaaliya mudane Jamaal Axmed Ibraahim oo ay weheliyaan waftigii kasocday dawlada federalka soomaaliya oo baryahanba aqoon korodhsi dhanka federalismka ah ugu sugnaa xarunta deegaanka ayaa saaka hoolka shirarka ee madaxtooyada shahaado sharaf qaali ah kugudoonsiiyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

cabdi shahaado sharafHadaba, wakiilka oo hadal kooban kasoo jeediyay madashaas ayaa ugu horayn aad u amaanay nidaamka federalismka ah ee dalku kudhaqmo iyo dimoqraadiyada dhabta ah ee xuquuqaha, sinaanta, cadaalada iyo awoodaha dawlad deegaanadu leeyihiin, qaabdhismeedka iyo waliba sharciga iyo kaladanbaynta oo dhamaan uu mideeyay dastuur mid ah.

Waxaa intaa dheer oo uu wakiilku kamarkhaati kacay horumarka balaadhan iyo nabadgelyada taamka ah ee kahirgalay deegaanka soomaalida kadibna uu aad u amaanay isagoo kutilmaamay inay kudayasho mudan yihiin. Wuxuuna isagoo kuhadlaya magaciisa, magaca ururka uu wakiilka uga yahay soomaaliya ee IGAD iyo magaca waftiga dawlada federalka soomaaliyaba aad uga mahadceliyay soo dhawayntii, qaabilaadii iyo aqoontii balaadhnayd ee ay kaheleen nidaamka federalismka ah oo uu runtii kusheegay inaysan wax loo dhigo jirin.

jigaDhanka kale, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo gudoomay shahaado sharaftan ayaa uga mahadceliyay waftiga kago’naanshaha iyo wakhtiga ay uhureen qaadashada aqoonta federalismka iyo waliba inay gaadhaan ilaa degmooyinka qaar si ay usii korodhsadaan aqoonta federalismka iyo nidaamyada ismaamul ee uu leeyahay. Wuxuuna kuladardaarmay mas’uuliyiinta dawlada federalka soomaaliya inay sii wadaan ladagaalanka argagixisada si nabadi udhalato kadibna nolosha shacabka iyo horumarka dalkoodu uu dib ugu soo laabto. Madaxwaynaha ayaana hadalkiisii kusoo xidhay inay mas’uuliyiintu iskudayaan sidii ay casharadan ficil ugu muujin lahaayeen.

Iskusoo wada duuboo, dhamaan mas’uuliyiintii kasocotay dawlada federalka soomaaliya ayaa balan qaaday dhaqan galinta nidaamka federalismka ah.

Comments are closed