Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Jubaland oo kulan la qaadatay dhalinyarta Kismaayo

kismaayo1Kismaayo (NN) 25/06/2016

Munaasibadda Afurka ah ayaa waxaa soo qabanqabisay wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha ee dowladda Jubaland, waxaana lagu casuumay masuuliyiinta ururrada dhalinyarada Jubaland iyo qaar kamid ah dhalinyarada ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Kulankan oo qabsoomiddiiisa ay fududeeysay hayadda TIS Plus ayaa waxa uu ujeedkiisu ahaa isbarasho wasiirka cusub ee dhalinyarada iyo cayaaraha iyo ururrada dhalinyarada Jubaland.

Kulanka waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay masuuliyiinta heer gobol ilaa heer degmo iyo marti sharaf kale.

Afurka kadib waxaa ugu horeyn goobta ka hadlay C/wahaab Bilaal oo ku hadlayay magaca ururka dhalinyarada Jubaland, wuxuuna u mahadceliyay wasiirka cusub ee dhalinyarada iyo cayaaraha, isagoo sheegay in ay la shaqeyn doonaan islamarkaana ay ku faraxsanyihiin kulanka isbarashada ee uu wasiirku soo agaasimay.

Gudoomiyaha gobolka J/hoose C/rashiid C/laahi Gooni oo madasha ka hadlay ayaa ku tilmaamay kulanka mid ahmiyad gaar ah leh, isagoo ku booriyay dhalinyarada in ay ka fogaadaan xagjirnimada, tahriibka iyo waxyaalaha dhibaatada u keeni kara dalkooda.

Ugu danbeyn waxaa munaasibadda soo xiray wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Jubaland Max’ed Awlibaax, isagoo uga mahadceliyay dhalinyartii kala duwanayd ee kulanka soo xaadirtay, wuxuna xusay in dhalinyaradu yihiin awoodda dal walba oo caalamka ah, lagana doonayo in ay u istaagaan sidii ay u samatabixin lahaayeen dadkooda.

Wasiirka ayaa dhalinyarada kula dardaarmay in ay la shaqeeyaan dowladda islamarkaana dhalinyarta asaagooda ah ka wacyigeliyaan kamid ahaanshaha iyo ku biiritaanka kooxaha dowladda kasoo horjeeda.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli wasiirka cusub ee wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Jubaland dhawaan loo dhaariyay xilkaasi, isagoo kala wareegay wasiirkii hore ee arimaha bulshada Max’ed Ibraahim Max’uud.

Comments are closed