Baydhabo: Dad shuban biyood u dhintay 48dii saacadood ee lasoo dhaafay

201713636190842897872375isbitaalka-baydhaboBaydhaba (estvlive) 04/01/2017

 

 

Dad dhowr ah ayaa shuban biyood u dhintay 48dii saacadood ee lasoo dhaafay gudaha magaalada Baydhabo.

Isbitaalka magaalada Baydhabo ayaa ay ku dhinteen dadkaasi halkaas oo dad badan oo cudurkaasi asiibay la dhigay. Halkaa ayaa wali waxaa jiifa dad badan oo cudurkaasi uu soo ritay.

[AdSense-A]

Ilaa hada inta la xaqiijiyay 4 carruur ah ayaa cudurka shuban biyoodka u dhintay magaaladaasi Baydhabo.

Ku dhawaad boqol qof oo kale ayaa cudurkaasi hayaa oo iminka la il daran. 

Kasokow dadka dhintay ayaa waxaa jira dad ka caafimaaday oo isbitaalka laga saaray loona ogolaaday inay guryahooda ku noqdaan.

Laakiin xaalada cudurka ayaa soo labo kacleysay  48dii saacadood ee lasoo dhaafay.

Dhanka kale isbitaalka Baydhabo ayaa waxaa ku yar dawooyinka cudurkaasi shuban biyoodka.

Xaafadaha uu aadka u saameeyay shuban biyoodka ayaa ah Bardaale iyo Isha ee Baydhabo.

Si kastaba ha ahaatee, cudurka ayaa ku sii faafaya xaafadaha kale ee magaalada Baydhabo.

“Inkastoo aan wali si fiican loo xaqiijin WHO ayaa haatan dhowr sambal u qaaday Muqdisho si ay usoo xaqiijiso nooca uu yahay shubankaan laakiin ilaa hada waxaan ku magacaabeynaa shuban biyood’. Sidaa waxaa warbaahinta u sheegay Agaasimaha Ibitaalka Baydhabo Mr. Cabdifataax Ibraahim Xaashi.

Magaalada Marka waxaa sidaa oo kale cudurkaa u dhintay dhowr qof oo kale oo carruur u badan.

Guud ahaan cudurka ayaa saamayn ba’an ku haya dadka ku nool gobolada saddexda ah ee Koofur-galbeed Soomaaliya, waa Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Sababaha dhaliyay shuban biyoodka ayaa lagu tilmaamay biyo yaraan ba’an oo goboladaa ka jirta biyaha la heli karana ayadoo ay yihiin biyo aan nadiif ahayn.

Ceelasha ayaa biyo yareeyay biyaha kujirana aysan nadiif ahayn balse calawsan.

Sidoo kale ayaa goboladaa sida meelo badan oo dalka ah waxaa ka jira nafaqo darro ba’an oo ka dhalatay abaaraha ayadoo dalagyo fiican aysan beeraha kasoo go’in in dhawaale kadib roobabkii da’ay xilliyadii lasoo dhaafay oo yaraaday.

Shuban biyoodka ayaa ka bilowday goboladaa dabayaaqadii bishii aanu soo dhaafnay ee Diseembar.

 

Comments are closed