Faah faahin’’ Gaarigii hay’adda UNDP ee lagu qarxiyay magaalada Muqdisho

muqdoMuqdisho (estvlive) 04/01/2017

Warar dheeraad ah iyo faah faahin ayaa ka soo baxaya mid ka mid ah gadiidka hay’adda UNDP oo subaxnimadii hore ee saakay lagu qarxiyay gudaha garaash ku yaala xarunta hay’adda.

 

Qaraxa oo ahaa mid gaariga lagu dhajiyay ayaa waxaa ku dhaawacmay qaar ka mid ah ilaalada xarunta hay’adda UNDP, waxaana dadka dhaawacmay ka mid ahaa taliyihii ciidamada Soomaalida ah ee qeybta ka ah ilaalida xarunta.

[AdSense-A]

Ciidamada dowlada Soomaaliya oo tagay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa soo xir xiray dad lagu tuhusan yahay in ay ku lug lahaayeen qaraxa, kuwaa oo la weydiiyo waxa ay kala socdaan ama ka ogyihiin qaraxa gaariga lagu xiray.

Ugu danbeyntii, xarunta hay’adda UNDP ayaa ka mid ah xarumaha sida weyn loo ilaaliyo, inkastoo mar lagu qaaday weerar ismiidaamin ahaa oo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab gudaha u galleen xarunta.

 

Comments are closed