Ilhaan Cumar oo xilkii dhawaan loo doortay loo dhaariyay

ilhaanMareykanka (estvlive) 04/01/2017

Ilhaan Cumar ayaa xilkii dhawaan loo doortay loo dhaariyay shalay ayada iyo dadkii kale ee xilalka keeda la midka ah loo doortay doorashadii dhawaan lasoo gabagabeeyay ee dalkaasi Mareykanka.

 

Ilhaan Cumar ayaa noqotay gabadhii ugu horeysay ee Muslim ah ahna Soomaali ee noqota wakiil ka mid ah wakiilada aqalka senetka ee Minnesota.

[AdSense-A]

Ilhaan Cumar ayaa waxaa lagu dhaariyay kitaabka Quraanka. Masuuliyiin badan oo ka tirsan Muslimiinta Minnesota ayaa goob joog ka ahaa meeshii lagu dhaariyay.

‘Miyaad ku dhaaraneysaa inaad taageereyso dastuurka Mareykanka iyo kan gobolka Minnesota iyo inaad si daacadnimo ah ugu shaqeyneyso waajibaatka xafiiska laguu doortay intii karaankaaga ah?’ Sidaa ayaa loo yeeriyay ayaduna waxay ku jawaabtay, ‘haa oo waan aqbalay’.

Waxay sheegtay Ilhaan Cumar inay aad iyo aad ugu faraxsan tahay maalintaa shalay ee xilka ay qabatay loo dhaariyay.

Ilhaan Cumar waxay sheegtay inay mar dhow daabacaad kusoo saari doonto wixii ay bulshadeeda u qaban lahayd boqolka maalmood ee ugu horeeya shaqadeeda cusub.

Muslimiintii badnaa ee ka soo qeybgaly dhaarinta ayaa ugu duceeyay Ilhaan Cumar inuu Alle ku caawiyo inay si wanaagsan ugu adeegto ayaga Allena uu barakeeyo.

 

Comments are closed