Prof. Jawaari oo ku dhawaaqaya musharaxnimada Guddoomiyaha Baarlamaanka

jMuqdisho (estvlive) 04/01/2017

Waxaa maalintii shalay si rasmi ah u bilowdey diiwaangelinta musharixiinta u tartamaya Guddoomiayaha Aqalka Hoose iyo labadiisa ku-xigeen.

 

 

Wararka soo gaaraya Horseed ayaa sheegaya in siyaasiyiin miisaan culus leh ay ku soo biirayaan tartanka guddoomiyaha Baarlamaanka.

[AdSense-A]

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan(Jawaari) uu ku dhawaaqo in uu yahay musharax mar kale u tartamaya xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Jawaari ayaa taageero badan ku dhex leh Xildhibaanadii hore, sidoo kale xildhibaanada danbe ayaa si weyn ula dhacay sida uu u maamuley muddadii kala wareejinta, soo dhaweynta iyo sameynta aqoonsiyada cusub. Prof Jawaari ayaa dadka dhaliilaa sheegaan in uu yahay qof aan isticmaalin awoodda Baarlamaaniga ah ee uu lee yahay, waxaase lagu amaanaa in uu yahay nin dowli ah oo garanaya nidaamka Dowladnimo taas oo ka dhigtey xafiiskiisa midka ugu maamul-wanaagsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Haddii Prof. Jawaari ku dhawaaqo saacadaha soo socda in uu yahay Musharax ayaa hoos u dhigeysa damaca Cabdirashiid Xiddig uu ku doonaayey in uu markii u horeysey wax ka beddelo nidaamka hab-qaybsiga. Musharixiinta kale ee guddoomiyaha ee ku dhawaaqaya saacadaha soo socda waxaa kamid ah Maxamed Mursal oo Wasiir ka ahaa xukuumadda Federaalka oo isaguna ah nin miisaan culus ku leh siyaasadda.

Dhanka Guddoomiye ku-xigeenka kuwaad waxaa u taagaan ilaa iyo 5 Xildhibaan. Wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Siciid Xuseen Ciid ayaa kamid ah xubnaha orodka ugu jira sanadkan inuu noqdo Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana kamid ah xildhibaanada xilkaas kula tartamaya Khadiijo Diiriye, Cabdiweli Muudey iyo Jeylaani Iikar.

Comments are closed