DAAWO South Korea: Maxkamadeynta Madaxweyne Park – VIDEO

kuriyaKu/Waqooyi (estvlive) 05/01/2017

Waxaa maanta oo Khamiis ah dalka Kuuriyada Koonfureed ka bilaabatay Maxkamadeynta Haweenayda Madaxweynaha ah Park Geun-hye oo lagu eedeeyey musuq maasuq.

 

Madaxweyne Park ayaa horey loo xakameeyey awoodeeda Madaxweyne kadib markii lagu eedeeyey mashaariic iyo dhaqaale si musuq maasuq ah loo siiyey qaar kamid ah shirkadaha xiriirka laleh iyo waliba haweenay ay saaxiibo ahaayeen oo kamid ah lataliyayaasheeda.

 

[AdSense-B]

Madaxweyne Park ayaa iyadu diiday inay hortagto Maxkamada Dastuuriga ah ee la horgeeyey dacwada xil ka xayuubinta Madaxweynaha.

Maxkamada Dastuurka ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwada.

Todobaadyadii lasoo dhaafay ayey dalkaasi ka socdeen Mudaharaadyo looga soo horjeedo Haweenayda Madaxweynaha, arrintaasi oo keentay in Dacwadan Baarlamaanka u gudbiyo Maxkamada.

Comments are closed