DAAWO USA: Dhalinyaro Madow ah oo loo qabtay Afduubka nin Cadaan ah – VIDEO

usaChicago (estvlive) 05/01/2017 

Booliiska magaalada Chicago ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 4 dhalinyaro Madow ah oo jirdil iyo afduub u geystay nin cadaan ah.

 

Dhalinyaradan oo guri kusoo xirtay ninkan cadaanka ah oo la sheegay inuu xanuunsan yahay, ayaa timaha ka xiiray jirdilna u geystay, iyagoo ficiladan si toos ah ugu baahiyey bartooda Facebook.

[AdSense-B]

Ninkan cadaanka ah ee la qafaashay ayaa la sheegay inuu u xirnaa dhalinyaradan muddo labo maalmood ah.

Filimka lagu shaaciyey Facebook oo ay dhalinyaradan duubeen ayaa si weyn uga careysiiyey dad badan oo Maraykan ah.

Dhalinyarada falkan geystay ayaa la maqlayey iyagoo ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump.

 

Comments are closed