Mashruuc Dhinaca Adeega Caafimaadka Ah Oo La Daah-furay Maant.

caafimaadka-ddsiJigjiga (estvlve) 05/01/2017

Xafiiska Caafimaadka DDSI iyo hay’adaha ay bah-wadagta yihiin ayaa maanta  hoolka shirarka ee  huteelka xamda ee caasimada DDSI ku qabtay  Xaflad  lagu daah-furayay mashuuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka wajigii 2aad ,  waana mashuuc ay siwada jir ah u hirgalinayaan  xafiiska caafimaadka DDSI iyo shan hay’adood oo ka mid ah hay’adaha  ay bah-wadaagta yihiin xafiiska caafimaadka DDSI

 

cafimaadka-ddsi-22xafladii lagu daah-furayay mashruuca cusub dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka  wajigiisa 2aad ayaa  waxaa ka soo qaybgalay masuuliyinta xafiiska caafimaadka DDSI oo uu ka mid yahay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane xasan ismaaciil, masuuliyiin ka socotay wasaarada caafimaadka JDFI iyo masuuliyiinta ugu saraysa  hay’adahan fulinaya mashruucan

waxaana ugu horayntii ka hadlay furitaankii xafladaa  wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo sheegay in xafiiska caafimaadka DDSI dadaal xoogan ugu jiro sidii bulshada DDSI loo gaadhsiin lahaa adeeg caafimaad oo taya leh mashuucanna  qayb ka yahay dadaaladaasi . Wasiirka ayaa intaa ku daray in mashruucan maanta la daah-furayaa wax-wayn  ku soo kordhin-doono dadaalada loogu jiro gaadhsiinta adeeg caafimaad oo tayaysan bulshada Reer-guuraaga ah ee DDSI gaar ahaan adeega caafimaadka ee hooyada iyo dhalaanka.

Dhankiisa maareeyaha  mashruuca Dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee xafiiska caafimaadka  DDSI mudane Shaafici Daahir Muuse oo warbaahinta warbixin dheeriya ka siiyay shaqooyinka mashruucan uu qaban-doono  ayaa sheegay  in uu kaalin libaax ka qaadan doono ka  midho dhalinta qorshayaasha u yaala xafiiska caafimaadka DDSI gaar ahaan kor u qaadida adeega caafimaadka hooyada iyo dhalaan. Maareeyaha ayaa codsi u diray maamulada heer gobol iyo heer degmo codsi gaasi oo ahaa in ay gacan siiyaan, dabagalaan lana xisaabtamaan fuliyayaasha mashruuca si bulshada  loo gaadhsiiyo adeegyada loogu  talagalay in looga  faa’iideeyo.

 

mashruucan cusub ee maanta la daah-furay ayaa waxa uu  oo socon doona muddo 2 sano ah  wuxuuna  daba socdaa xoojina u yahay mashruuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka  qaybtiisii 1aad  (RIF) ee  uu xafiiska caafimaadka DDSI uu hirgaliyay,  mashruucan cusub ayaa ka hawlgalidoona 76 degmo oo ka mid ah degmooyinka deegaanka iyo 5 maamul magaalo.

Comments are closed