Qamro lagu gubay meel fageere ah Somaliland

somalilamdHargeysa (estvlive) 05/01/2017

Maxkamad ku taala Somaliland ayaa xukuntay dad ayagu ku lug yeeshay ka ganacsiga iyo safrinta qamri.

 

Maxkamadaa ayaa milkiilihii qamrigaa ee asagu ka ganacsanaayay ku xukuntay 4 sano oo xarig ah iyo 4 milyan oo shilinka Somaliland ah oo ganaax ah. Sidoo kale, wadihii gaari lagu safrinaayay qamrigaa ayaa lagu xukumay 4 sano oo xarig ah iyo 4 milyan oo shilinka Somaliland ah oo ganaax ah.

[AdSense-B]

Nin asagu sidoo kale masuul ka ahaa safrinta khaaska ah ee lagu kala waaridaayay qamrigaa min Buuhoodle ilaa magaalooyin kale ayaa lagu xukumay hal sano oo xarig ah iyo 4 milyan oo shilinka Somaliland ah oo ganaax ah.

Gaarigii milkiilaha leh ayaa lagu xukumay inuu bixiyo 5% qiimaha gaariga.

Qamrigii ayaa isna meel fagaare ah lagu gubay maadaama isticmaalka iyo ka ganacsiga qamradu mamnuuc ku tahay dastuurka Somaliland oo ugu yaraan halkaa ay diinta sharciga Islaamka ay iska waafaqsan yihiin.

 

Comments are closed