Shir Ay Yeesheen Xubno Ka Socday Heer Federal Iyo Xubno Heer Deegaan Ah

heeryoJigjiga (estvlive) 05/01/2017

Shir ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin ka socday wasaarada waxbarashada JDFI, xildhibaano heer federal ah, Xubno ka socday xafiiska maamulka DDSI, xubno xarunta dhexe ee DDSI ah iyo agaasimayaasha xafiiska waxbarashada DDSI ayaa ka qabsoomay xafiiska wasiirka  waxbarashada DDSI.

 

Hadaba Kulankan oo uu hogaaminayay wasiir kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI mudane maxamuud axmednuur ayaa sheegay inuu kulankani yahay mid lagu ogaanayo la iskuna waydiinayo geedisocodka baris barasho ay arkeen xubnuhu mudada ay ku sugnaayeen xarunta deegaanka, maadaama oo ay xubnuhu kormeer kusoo mareen qaabka ay socoto nidaamka barisbarasho ee schoolada magaalada, iyagoo xubnuhu meela kaladuwan ka eegayay qaabka ay usocoto waxabarashada deegaanka, Wuxuuna masuulku intaa kudaray inay xubnuhu aad oogu bogeen nidaamka baris barasho ee deegaanka.

[AdSense-B]

Dhanka kale waxaa iyana dhankooda ka hadlay qaar kamid ah xubnihii ka socday heer federal oo si fiican u amaanay geedisocodka nidaamka barisbarasho ee ay ku arkeen goobaha waxbarasho ee deegaanka mudada ay kormeerka ku jireen, Sidoo kalana waxay xubnuhu aad u amaaneen xukuumada iyo XDSHSI oo dadaal dheer ugalay  kor uqaadida tayada waxbarasho iyo geedisocodka nidaamka barisbarasho ee ka hanaqaaday deegaanka

Comments are closed