Xaflad Lagu Soo Xidhay Tababar U Socday Saraakiisha Ciidamada Difaaca Qaranka Oo Ka Dhacday jigjiga

cabdi-maxamuudJigjiga (estvlive) 05/01/2017

Taliyaha guud ee ciidamda difaaca qaranka JDFI general Samoore Yoonis oo ay wehelinayaan masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa tababar in mudo ah u socday saraakiisha ciidamada difaaca qaranka qaybta koonfur bari itoobiya ugu soo xidhay  xarunta tababarada ciidamada difaaca qaranka Garabcase ee caasimada DDSI.

 

bvHaddaba soo xidhitaankii tababarkaasi ka dib ayaa loo  qaybtay saraakiishan ciidamada qaranka qaybta koonfur bari itoobiya xaflad lagu soo xidhayay tababarkaasi oo ka dhacday madasha shirarka ee qaryaan dhoodaan taasi oo ay  ka soo qaybgaleen masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo saraakiisha ciimada qaranka qaybta koonfurbari itoobiya oo uu ka mid yahay taliyaha guud ee ciidamada difaaca  qaranka qaybta koonfur bari itoobiya. General Abraham Wolde Mariam.

 

bcXafladan oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa heeso wadaniya, dhaantooyin iyo madadaalooyin kale ku soo bandhigayay kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI iyo kooxda fanka iyo suugaanta ciidamada qaranka qaybta koonfur bari itoobiya.

Comments are closed