Afhayeenka Al-shabaab oo ka hadlay doorashada Soomaaliya

calidheereMuqdisho (estvlive) 06/01/2016

Afhayeenka ururka Al-shabaab Sheekh Cali Max’uud Raagge [Cali Dheere] oo wareysi siiyay TV-ga Al-Jazeera, ayaa ka hadlay aragtidooda la xiriirta doorashada ka dhaceysa dalka
Soomaaliya.

Cali Dheere ayaa sheegay in Soomaaliya xiligan aysan ka jirin wax doorasho ah, laakiin waxa ka socda lagu tilmaami karo sida uu hadalka u dhigay xulasho oo kale.
[AdSense-A]
Mar la weydiiyay su’aal aheyd in musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ay shaqsi ku soo darsadeed uga qeybgalla doorashada ayuu yiri’’ Wax sax ah ayaa wax lagu darsadaa oo xaq ah, waxa ka socda meesha waa baadil, waa xaq daro xaqdarana waxba lagu ma darsado’’

Siddoo kale mar wax laga weydiiyay waxa ay laftirkooda uga duwan yihiin dowlada madaama Amiiradadooda aan la soo dooran, laakiin la soo xusho’’ ayuu ku sheegay in dariiqa ay ku soo xushaan amiiradooda yahay mid waafaqsan shareecada Islaamka.

Dhinaca kale, mar uu soo hadal qaaday weerarada ay ku qaadaan hotellada ayuu sheegay in goobaha ay bartilmaameedsadaan yihiin sida uu hadalka u dhigay 95% kuwa ay degan yihiin shaqsiyaad  la shaqeeya
dowladda, isaga oo meesha ka saaray in weeraraan hotellada caadiga.

“Dhammaan hotelada ku yaal wadada Maka Al Mukarama ma aha Hotelo caadi ah waxa ay la mid yihiin xeryo ciidan,weli ma weerarin hotelada shacabku leeyahay ee ku yaal Bakaaraha,Suuqa Xoolaha iyo Huriwaa.”ayuu yiri Shiikh Cali Dheere.

Ugu danbeyntii, hadalka afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere ayaa imanaya maalmihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho ka dhacayeen qaraxyo siyaabo kala duwan loo soo abaabulo, dhamaantood ay sheegtaan mas’uuliyadooda Al-shabaab.

Comments are closed