Fiiltu iyo Tababar Loogu Qabtay Macalimiinta Oo Lasoo Gabagabeeyay

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Fiiltu (estvlive) 06/01/2017

Xafiiska waxbrashada DDSI oo maalmahanba tababaro kaladuwan u waday macalimiinta degmooyinka deegaanka gaar ahaan barayaasha Luuqada Ingiriiska iyo maadooyinka sayniska Islamarkaana lagu tababarayay qaar kamid ah macalimiinta degmooyinka Gobolada Liibaan, Afdheer iyo Daawa ayaa lagu soo gabagabeeyay xarunta gobolka liibaan ee magaalada Fiiltu.

 

Hadaba, Khabiir katirsan Xafiiska Waxbarashada DDSI ahna Madaxa Kooxda Tababarka bixinaysay Mudane Maxamed Cumar (Timocade) oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in tababarkani ahaa mid macalimiinta aqoontooda kor loogu qaadayo. wuxuuna intaa kudaray in tababarkan macalimiinta lagu barayay casharo laxidhiidha maadooyinka takhasuskooda ah sida koruqaadida nidaamka barisbarasho ee luuqada ingiriiska iyo waliba maadooyinka sayniska ah islamarkaana ay casharada bixinayeen macalimiin u xeeldheer maadooyinkaas. Iyadoo habka tababarkuna uu ahaa casharbixin caadi ah,  dood wadaag iyo laylisyo lasiinayay macalimiinta kadibna ay soojeedinayeen.

[AdSense-A]

Sidookale,  macalimiintii tababarka qaadanaysay oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin tababarkan loo fidyay ee loogu qabtay xarunta gobolka liibaan ee magaalada fiiltu iyagoo carabka kudhuftay in casharo faaiido u leh ay kaheleen tababarkan.

????????????????????????????????????

Ugudanbayna waxay xuseen in xafiiska  waxbarashada DDSI uu wado dadaalo aan kalago’lahayn islamarkaana ay ka codsanayaan xafiiska in uu sii wado tababarada gaagaaban ee noocan ah ee lagu kobcinayo aqoonta macalimiinta.

Comments are closed