Ohio Mareykanka: Darawalada gawaarida xamuulka ah qaarkood oo laga yaabo in shatiyada darawalnimo lagala noqdo

gawaari-mMareykanka (estvlive) 06/01/2017

Darawalada gawaarida xamuulka ah qaarkood ayaa laga yaabaa in shatiyada darawalnimo lagala noqdo gobolka Ohio ee Mareykanka hadii aysan keenin dhalashooyinkooda Mareykanka ama sharciyadooda daganaanshiyo.

 

Darawalo badan oo Soomaali ah ayaa kujira darawaladaa. Boqolaal kale oo muhaajiriin ah oo kale ayaa iyana halkaa ka shaqeysta.

[AdSense-A]

Maamulka gobolkaa ayaa sidaa go’aansaday taasoo ah tillaabo ka mid ah fulinta sharciyada federaaliga ah ee dalka Mareykanka.

Waxaa iyana ku jira darawalada basaska waaweyn. Bishii lasoo dhaafay ayaa boqolaal darawal oo si tahriib ah kusoo galay dalkaa ayaa loo diray ogeysiis ah inay keenaan sharciyada ay dalka kujoogaan hadii kale in shatiyada lagala noqon doono.

Waxaa laga dalbay inay ku keenaan muddo 30 maalmood ah.

 

Comments are closed