Kulan Wada Tashi Ah Oo Ka Qabsoomay Kuliyada Tababarada Macalimiinta Ee Dr Cabdulmajiid Xuseen

dr1Jigjiga (estvlive) 07/01/2017

Kulan wada tashi oo ay yeesheen hormuudka kuliyada tababarada macalimiinta ee dr cabdulmajiid hussen oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyinta kuliyada oo uu ugu horeeyo maareeyaha kuliyada tababarada macalimiinta dr cabdulmajiid hussen mudane Kifaax Maxamed Macalin , maareeye kuxiineeda, Agaasimayaasha, macalimiinta, Ardayda iyo heer kala duwan ee shaqaalaha ka howlgala kuliyada ayaa ka qabsoomay hoolka shiirarka ee isla kuliyada.

 

dr4Hadaba kulankan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay maareeyaha kuliyada tababarada macalimiinta ee dr cabdul majiid mudane Kifaax Maxamed Macalin  oo sheegay inuu kulankan yahay mid lagu dardargalinayo geedisocodka waxbarasho iyo mida shaqo ee kuliyada, Wuxuuna maareeyuhu intaa kudaray in si wada jir ah looga wada shaqeeyo nadaafada kuliyada iyo adeegyada kala duwan ee ubaahan in lasii xoojiyo, Sidoo kalana wuxuu maereeyuhu xusay in qof walba uu kasoo baxo kaalinta shaqo ee ku aadan islamarkaana qofwalba lagu baran doono shaqadiisa haday xuntahay iyo haday fiicantahayba.

[AdSense-A]

dr2Dhanka kale waxaa iyana fikirkooda ka hadlay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha kulanka oo sheegay inay kulankani yahay mid muhiim ah islamarkaana xusay inay kasoo bixi doonaan kaalintooda shaqo ee ku aadan, Iyagoo intaa kudaray inay awaamiirta lagu kala qaatay kulanka ay ubadali doonaan ficil.

Comments are closed