Qaraxyo ka dhacay goor dhaw goobo ganacsi magaalada Muqdisho  

muqdisho-qaraxMuqdisho (estvlive) 07/01/2017

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo goor dhaw ka dhacay goobta ganacsi oo ku taala isgoyska Tarabunka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kuwaa oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.,

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxyada ahaayeen kuwo loo adeegsday miino dhulka lagu aasay, gaar ahaan maqaaxi ay fariisin jireen inta badan ciidamo ka tisan dowladda iy dad rayid ah.

[AdSense-A]

Ku dhawaad 10 qof ayeey ka soo gaartay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, waxaana la sheegay in ay ka mid yihiin dad rayid ah oo goobta ku sugnaa. Ciidamada Amniga ayaa goobta Xiray,

waxaana halkaas ay ka wadaan Baaritaano,iyadoo Gaadiidka Gurmadka deg Dega ah ay qaadeen Dadkii ay Dhimashada iyo dhaawacu uu ka soo gaaray. Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonaa..

Comments are closed