Warbixin: Vladimir Putin waxa uu doonaayey in Trump guuleysto

putinMareykanka (estvlive) 07/01/2017

Warbixin ka kooban 25 bog oo ka soo baxdey xafiiska Madaxa Sirdoonka Maraykanka ODNI ayaa lagu sheegay in maskaxda ka danbeysey weerarka dhanka Internetka ah ee lagu qaadey doorashadii Maraykanka uu ahaa Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sababta ayaa ahayd in uu taageero Trump isla markaana waxyeelo sharafeed gaarsiiyo haweeneyda la tartameysey ee Hillary Clinton.

 

“Waxaanu goyney in madaxweynaha Ruushku Vladimir Putin, amar ku bixiyey in la bilaabo farogelinta ol-olaha doorashada sannadkii 2016 kaas oo lagu beegsanayey doorashadii madaxtinimada Maraykanka. Doonitaanka Ruushka ayaa ahaa in la wiiqo aaminaada shacabka Maraykanku ku qabaan Dimoqraadiyaddooda, tashwiishna lagu furo sumcadda Hillary Clinton ” ayey warbixintu tidhi.

[AdSense-A]

Maalintii shalay ayaa madaxda hay’adaha sirdoonka Maraykanku ay kulan la qaateen Madaxweynaha la doortey ee Maraykanka Donald Trump kaas oo ay ugu faah-faahinayaan natiijada baaritaankoodi kaas oo ay ku tilmaameen mid ururintiisa ay ku baxdey malaayiin dollar oo ay khatar geliyeen nafta dadka ka qayb-qaatey ururinta warbixintan.

Warbixinta ayaa sheegaysa in Hackers-ka Ruushku ay jabsadeen labada xisbi ee RNC iyo DNC macluumaadkoodi laakiin ay Wikileaks u gudbiyeen keliya tan Xisbiga Dimoqraadiga.

Trump oo muddo dheer ka soo horjeedey eedayamaha loo jeedinaayo Ruushka isaga oo ujeedkiisu yahay in aanu taageerin fallaar isaga dib ugu soo noqoneysa ayaa warbixin uu soo saarey maalintii shalay ku sheegay in farigelinta Ruushku aaney waxba ka beddelin natiijadii doorashada.

“…We assess Russian President Vladimir Putin ordered an influence campaign in 2016 aimed at the US presidential election. Russia’s goals were to undermine public faith in the US democratic process, denigrate Secretary Clinton….”.

Ruushka ayaan weli ka jawaabin warbixinta cusub ee gaareysa 25 bog, waxayse horey u dafireen in ay wax lug ah ku lahaayeen emailadii laga xadey John Podesta ee ahaa agaasimaha ol-olaha Hillary Clinton iyo Debbie Wasserman Schultz oo ahayd Guddoomiyaha xisbiga Dimoqraadiga.

Comments are closed