Shir sanadeedkii todobaad jaaliyada Soomaaliyeed ee Koonfur Africa oo la soo gabagabeeyay

3Koonfur-Afrika (estvlive) 08/01/2017

Munaasabadaan lagu soo gabagabeenayay shir sanadeedka todobaad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa waxaa kasoo qeybgalay Sheikh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun oo halkaasi ka jeediyay muxaadaro loogu magac daray wadooyinka fududeen kara dib uheshiisiinta, waxaana goob joog ka ahaa Bulshada Qeybaheeda kala duwan ee ku dhaqan magaalada Johannesburg iyo Nawaaxigeeda.

 

1Sheikh Cali Towxiid oo ka mid ahaa gudiga qaban qaabada Shir sanadeedkaan todobaad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ay soo qaban qaabiyeen Golaha Culimada Soomaaliyeed ee Albayaan ee dalkaani Koonfur Afrika oo ka warbixiyay qaabkii uu shirka u qabsoomay ayaa ugu danbeyn ku soo dhaweeyay Sheikh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun in uu ku soo gabagabeeyo muxaadaradii ugu danbeysay ee shirka.

4Sheikh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun oo shir sanadeedkaani todobaad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ka mid ahaa mashaa’ikhdii lagu marti qaaday oo socdaalo kala duwan ku maray gobala badan oo ka mid ah dalkaani Koonfur Afrika ayaa kusoo gabagabeeyay Muxaadaro aad qiimo weyn ulaheyd oo inta badan ka hadleysay dhibaatooyinka ragaadiyay dalkeena,

[AdSense-A]

 

wuxuuna sheegay in Soomaaliya dhibaatada kajirta ay tahay dhibka ugu fudud ee dunidaan ka dhaca marka loo eego inaan Luuqad ahaan, diin ahaan, dhalasho iyo dhaqan ahaan ka siman nahay. Shir sanadeedkaan Todobaad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed oo ay sanad walba soo qaban qaabiyaan Golaha Culimada Soomaaliyeed ee dalkaani Koonfur Afrika oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Johannesburg ayaa la qabtaa inta badan xilliyada fasaxyada ee sanadka dhamaadkiisa, iyadoo la iskugu keeno culumada Soomaaliyeed ee ku kala nool dunida daafaheeda, si ay wacdi iyo waano ugu jeediyaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan gobalada dalkaani koonfur Afrika

Comments are closed