Degmada Hadhagaala iyo Kalfadhigii 8aad Ee Golaha Xildhibaanada

hadhoHadhagaale (estvlive) 09/01/2017

Waxaa hoolka shirarka ee golaha xildhibaanada degmada hadhagaala ee gobolka siti lagu soo gabagabeeyay kalfadhigii 8aad ee golaha xildhibaanada degmada islamarkaana lagu dhagaysanayay warbixinta waxqabadka 6dii bilood ee u danbaysay.

 

hagHadaba, kalfadhigan oo uu shirgudoominayay Afhayeenka Golaha Xildhibaanada Degmada Hadhagaale mudane Daahir Xasan Waabari oo furitaankii shirka ugu horayn u mahadceliyay dhamaan xildhibaanada degmada. Wuxuuna intaa kudaray in ay dhanyihiin xildhibaanadu islamarkaana ay muhiim tahay in sifiican loo dhagaysto waxqabadka 6da bilood ee sanad miisaaniyadeedka 2009 T.I kadibna xildhibaanadu ay ka doodaan fikiradoodana ay kadhiibtaan.

[AdSense-A]

Sidookale, Gudoomiyaha degmada Hadhagaala mudane Khadar Abiib Cismaan oo isna madasha lagu soo dhaweeyay ayaa halkaas kasoo jeediyay dhamaan waxqabadkii 6da bilood ee sanad miisaaniyadeedka 2009TI. isagoo mid mid u soo dhigay qorshihii qorshaysnaa miisaaniyada loogu talagalay iyo sida uu u ufulay, iyo haduusan fulin sababta uusan u filin. Kadibna golaha ayaa siwayn uga dooday islamarkaana fikiro badan kasoojeediyay kadibna cod buuxa oo gacantaag ah ku ansixiyay.

Ugudanbayna kalfadhiga ayaa jawi wanaagsan oo lab-xaadhni ah kusoo dhamaaday.

Comments are closed