Cabdikariin Xusseen Guulleed oo ka hadlay mooshin xil ka qaadis ah oo laga keenay

guledGalmudug (estvlive) 09/01/2017

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Cabdikariin Xusseen Guulleed ayaa ka hadlay mooshin maalintii shalay ay ka soo gudbiyeen tiro xildhibaanno ah oo ka tirsan maamulka uu madaxweynaha ka yahay.

Madaxweynaha Galmudug wuxuu ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka inay ka laabtaan mooshinka cusub, wxaana uu sheegay in xiligan aysan haboobeyn in mooshin laga soo gudbiyo.

[AdSense-A]

Sidoo kale wuxuu sheegay in marxalado adag ay ka jiraan deegaanada maamulka Galmudug, kuwaasi oo u baahan in wax laga qabto.

Gaar ahaan xildhibaannada dowlad gobolleedka Galmudug ayuu u jeediyay in ay ka qeyb-qaataan gurmadka loo fidinayo dadka ku dhibaateysan deegaanada maamulka Galmudug.

Ugu danbeyntii, xildhibaanka Galmudug oo ka careysan qoraal kasoo baxay madaxweyne Guuleed, ayaa ku dhawaaqay shalay inay mooshin ka gudbiyeen madaxweynaha Galmudug.

 

Comments are closed