Hogaaminta Jaaliyadda DDSI Germany Kulan Ku Yeesheen Magaalada Karlsruhe

ddd-2Karlsruhe (estvlive) 09/01/2017

Hogaaminta Jaaliyadda DDSI ee Daka Germany ayaa Kulan ku yeeshay Magaalada Karlsruhe Kulan kaasi aya waxaa ka soo Qeybgalay dhamaan Xubnaha Taageerayaasha Xisbiga DSHSI iyo Masuuliyiin ka socda Safaarada Itoobiya ee dalka Germnay uu Kamid yahay Qunsulka Itoobiya u fadhiga Dalka Germnay Mehretab iyo Madaxa Arrimaha Qurbajoogta Mudane Bereded iyo Masuuliyiin kale.

 

axmed1Kulankan ayaa Waxaa lagu Xoojinayaa sidii Jaaliyadda dawlad deegaanka somalida Itoobiya ee Ku dhaqan dalka Germany loo dardargalin lahaa islamarkaana ay uga Qeybqaadan lahaayeen hawlaha Hormarka nabadgalyada iyo maamulka Suuban uu ka hirgalay deegaanka islamarkaana loo taageeri lahaa Xukuumadda DDSI uu Hogaaminayo Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

[AdSense-A]

15970214_1874044406206601_2014636280_nUgu Horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Qunsulka Itoobiya u fadhiya dalka Germany Mudane Mehretab oo uga mahad celiyay dhamaan Hogaaminta Jaaliyadda DDSI sida geesinimada leh at uga soo horjeesteen nabad-diidka islamarkaana at ku banaanbaxeen ayagoo muujin taageerada ay u hayaan Federaalismka iyo wada noolaashaha iy dastuurka dalka uu siyaydhamaan Shucuubaha kala duwan ee ku dhaqan dalka Itoobiya dhamaan Xuquuqdii ay lahaayeen iyo kala dambeynta

15941686_1874044552873253_225366433_nUgu dambeyntii Waxaa kaloo Halkaasi ka hadlay Masuuliyiin ka tirsan Hogaaminta Jaaliyadda DDSI ee Germany waxeyna ballan qaadeen taagerada ay u hayaan dalka iyo deegaanka ay sii laba laabayaan islamarkaana ay ku boorinayaan in deegaanka maalgashi lagu sameysto kulankaasi ayaa ku soo gabagaboobay Magaalada Karlsruhe

Comments are closed