Madaxweynaha Hirshabeelle oo xil ka qaadis ku sameeyay maamulkii degmada Beledweyne

hirshabeBeledwayne (estvlive) 09/01/2017

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa xil ka qaadis ku sameeyay mas’uuliyiintii maamulka degmada Beledweyne, isaga oo magacaabay mas’uuliyiin cusub.

Cali C/llaahi Cosoble, ayaa xil ka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii degmada Beledweyne Max’ed Cismaan Cabdi Qalaafoow, iyo ku-xigeenkiisii Muuse Cabdi Daahir.

[AdSense-A]

Xilka guddoomiyaha maamulka degmada Beledweyne ayaa loo magacaabay Max’ed Axmed Ibraahim Foodcade, halka ku-xigeen loo magacaabay Khadar Xassan Afrax.

Ugu danbeyntii, madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale guddoomiye ku-xigeen cusub u magacaabay degmada Matabaan, kaa oo noqonaya Ducaale Aadan Cabdi oo badalaya guddoomiye ku-xigeenkii hore Sheekhdoon Faarax Waare.

Madaxweynaha Hirshabeele ayaa bishii October ee sanadkii hore xilkii ka qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, isaga oo xilkaa u magacaabay guddoomiyaha xiligan ee gobolka Cali Jeynte Cismaan.

 

Comments are closed