Shirkado bixiya internet oo daggan Somaliland oo xiray baro internet

hargeysaHargeysa (estvlive) 09/01/2017

Labo shirkadood oo ka shaqeeya isgaarsiinta bixiyana adeegga internetka oo daggan jamhuuriyada lamagac baxday Somaliland ayaa xiray labo bar internetyo oo caan ku ah qoritaanka wararka.

 

Asbuucaan ayay xireen barahaa internetka ee wararka. Arintaa ayaa dhalisay cambaareyn ugaga timid shirkadahaa urur u dooda xaquuqda saxaafada kaasoo sheegay in arinkaasi liddi ku yahay xoriyatul qowlka.

[AdSense-A]

Shirkada Telesom ayaa xirtay Aftahan.com kadib markii bartaa lagu daabacay gabay dhalliilay nidaamka bangiga lacagta lagu keydsado ee shirkadaa.

Waxaa gabaygaasi ku eedeeyay nidaamkaa keydinta lacagta ee shirkadaa inuu keenay sicir barar iyo hoos u dhac lacageed oo ka dhacay gudaha Somaliland.

Saxafiyiinta ayaa arinta xiritaanka baraha wararka ee internetka ah ay walaac galisay.

Dhawaan ayaa sidoo kale wariyeyaal lagu xirxiray Somaliland waxaana la sheegay in sidoo kale aabyi lagula kacay sanadihii lasoo dhaafay.

Shirkad kale oo internet bixisa Somcable ayaa sidoo kale xidhay website kale oo caan ah laguna magacaabo Hadhwanaagnews.com kadib markii maqaal lagu cambaareeyay shirkadaa uu daabacay.

Waxaa arinkaa xiritaanka baraha ah cabasho ka muujiyay Jamaal Ibraahim oo ah madaxa Hargeisa Media House oo ah urur u dooda xaquuqda saxaafada.

Labada shirkadood ee isgaarsiin ayaan wali si rasmi ah ugaga hadlin arinka.

Hargeisa Media House ayaa ugu baaqay shirkadahaasi inay fasaxaan labadaa bar ee wararka baahiya.

 

Comments are closed