Shirkii Qiimaynta Waxqabadka Rubucii 2aad Ee Degmooyinka Gobolka Afdheer Oo Furmay.

raasoRaaso (estvlive) 09/01/2017

Waxaa ka  furmay madasha shirarka ee degmada Raaso  shirkii qiimaynta waxqabadka rubucii 2aad ee sanad miisaaniyeedka 2009TI ee  degmooyinka gobolka afdheer.

 

Shirkan   ayaa waxaa diirada lagu saarayaa fulinta qorshayaashii u dajisan maamulada degmooyinka gobolka afdheer  ee dhinacyada horumarka, nabadgalyada, maamulka suuban, gaar ahaan adeegyada horumarka ee ay ka mid yihiin waxbarashada biyaha iyada oo mudada uu socdo shirkan lagu  dhagaysanayay warbixinta waxqabadka maamulada degmooyinka gobolka afdheer

 

[AdSense-A]

raasHaddaba shirkan qiimaynta ah oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan masuuliyiinta maamulada degmooyinka gobolka afdheer iyo masuuliyiinta maamulka gobolka afdheer ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay gudoomiyaha gobolka afdheer mudane Madoobe Macalin Ibraahin  wuxuuna sheegay in shirkan qiimaynta  mudada uu socdo xooga la saaridoona fulinta qorshayaashii u yaalay   degmooyinka gobolka afdheer  rubuca 2aad ee sanadkan taasi oo lagu xaqiijinayay guulaha waxqabadka laga soo hooyay fulinta  qorshihii dajisanaa rubucan gaar ahaan waxqabadka dhinacyada adeegyada horumarka sida, waxbarashada.dhinaca biyo, caafimaadka iyo  adeegyada kale oo horumarka  Wuxuuna sheegay gudoomiyuhu in ay shirkan ka soo bixidoonaa  go’aano dhaxal gal ah oo lagu fulinayo qorshaha rubucan xiga iyada oo laga waayo aragnima qaadanayo qorshihii rubucan hadda dhamaaday lana buuxinayo gol dalooladii ka jirtay rubuca hadda dhamaaday.

waxaana furitaankii shirkan ka dib la guda galay dhagaysiga warbixinta waxqabadka degmooyinka gobolka afdheer kuwaasi oo si cad-cadaan iyo isla xisaabtan leh u soo bandhigayay warbixinta waxqabadka loogana doodayay. Shirkan ayaa socon doona maalmaha soo socda.

Comments are closed