Soomaali culeys uu lasoo darsay kadib ka bixitaankii Ingiriiska midowga Yurub

lodonLondon (estvlive) 09/01/2017

Soomaali badan oo kunool dalka Ingiriiska ayaa culeys uu lasoo darsay kadib go’aankii ka bixitaanka ahaa ee Ingiriisku go’aansaday inuu uga baxo midowga Yurub.

Soomaalidaa ayaa markii hore ka soo guuray dalalka kale ee Yurub ayagoo ugu soo guuray Ingiriiska inay cayr ka helaan iyo inay ka shaqeystaan. Ingiriiska ayaa sidoo kale u dhaama gaar ahaan dhanka waxbarashada iyo caafimaadka.

Bisha Maarso ee sanadkaan ayaa la filayaa in dawlada Ingiriisku saxiixdo ka bixitaanka oo sidoo kale loo yaqaano Brexit.

Si kastaba ha ahaatee, ka bixitaanka midowga Yurub ayaa waxay dalka Ingiriiska ku qaadan doontaa 2 sano oo dheeraad ah oo ka bilaabanaya wixii loo gaaro dhammaadka Maarso 2017.

Muddada ka dambeysa labadaa sano ayaa waxaa dawlada Ingiriisku dejin doontaa sharuucdeeda u gaarka ah ayadoon ka mid ahayn dalalka midowga Yurub.

Sidaa darteed Soomaalida oo dalal kale ka yimid sida Holland ayaa ka cabsi qaba in sharciyada daganaanshiyaha lagala noqdo.

Soomaalidaa ayaa waxay tiradoodu gaareysaa 30 kun oo qof dalalka kale ee ay ka yimaadeena waxaa ku jira France, Belgium, Germany, Sweden, Austria, Talyaaniga iyo Denmark.

 

Comments are closed