Kooxaha Fanka Iyo Suugaanta DDSI Oo Nidaamka Bakhtiyaa Nasiibka ah Loogu Wareejiyay Guryo.

jigjiga2Jigjiga (estvlive) 10/01/2017

Waxaa maanta si rasmiya  oo ah nidaamka bakhtiyaa nasiibka ah loogu wareejiyay kooxaha fanka iyo suugaanka DDSI furayaasha   64 gibi oo ah guryo wadareed (Real Estate) oo ay u dhistay xukuumada DDSI kooxaha fanka iyo suugaanka DDSI ee soo galay halgan faneedkii qaybta ka ahaa hirgalinta hawlaha horumarka  taasi oo ay dhismayaasha guryahan oo ah kuwo  casriya ay ka hirgalisay  wakaalada horumarinta guriyaynta DDSI xaafada dulqabow ee maamulka magaalada jigjiga.

 

jigjigaHaddaba, munaasabadii nidaamka bakhtiyaa nasiibka ah loogu wareejiyay guryahan ayaa  waxaa ka soo qaybgalay  masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo ay  ka mid yihiin  madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI  mudane Maxamedrashiid Isaaq.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ka hadlay munaasabadaasi ayaa sheegay in xukuumada DDSI in dadaal xoogan ugu jirto balaadhinta nidaamka guriyaynta DDSI. Madaxwaynaha ayaa  tilmaamay in guryahan maanta nidaamka bakhtiyaa nasiibka ah  loogu  wareejinayo kooxaha fanka iyo suugaanta ee soo galay halgan faneedkii qaybta ka ahaa hirgalinta hawlaha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban ee ka hirgalay DDSI ay qayb ka yihiin dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto  balaadhinta nidaamka guriyaynta.

Dhankooda qaarka mid ah kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI ee lagu wareejiyay furayaasha guryahan ayaa sheegay in aad iyo aad ugu faraxsan yihiin guryahan casiriga ah ee ay xukuumada DDSI ku wareejisay , iyaga oo u mahad naqay xukuumada DDSI  ee ku wareejisay maanta guryaha waxayna sheegeen in ay maanta xukuumada DDSI dabooshay baahidii ka haysatay dhinaca guryahay.

Comments are closed