Munaasabad Lagu Daah Furayay Wareega 1aad Eee Ol’olaha Talaalka ka Hortaga Cudurka Dabaysha Oo Ka Dhacday jigjiga.

qabridahareQabridahare (estvlive) 10/01/2017

Waxaa si heer sare ah u soo dhamaaday qiimayntii waxqabadka degmooyinka gobolka qoraxey oo maalmahanba kasocotay hoolka shirarka ee kuliyada caafimaadka maamulka magaalada qabridahare.

 

Hadaba, qiimayntan oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan maamulada degmooyinka gobolku ayaa waxaa shir gudoon ka ahaa gudoomiyaha Gobolka oraxey mudane Yuusuf Aadan Yuusuf oo sheegay in qiimayntani ay tahay mid la isku qiimaynayay waxqabadkii 6da bilood ee sanad miisaaniyadeedka 2009TI. wuxuuna intaa kudaray in qiimaytu ay ku qatontay cadcadaan iyo cadaalad iyadoo masuuliyiinta degmooyinku ay soo jeedinayeen dhamaan waxqabadkoodii, qorshahoodii iyo siduu ufulay.

Sidookale, waxaa iyana qiimayntan kahadlay Madaxa Arrimaha Siyaasada Gobolka qoraxey mudane Axmed Yaasiin iyo waliba hogaanka Nabadgalayada Gobolka qoraxey mudane Cabdi Xasan Xaaji oo iyana tilmaamay in qiimayntani tahay mid jawi wanaagsan kusoodhamaatay kadib markii si qodo dheer laisagu qiimeeyay waxqabdkii 6da bilood ee horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban.

Ugudanbayna qiimaynta ayaa kusoo dhamaatay jawi wanaagsan.

Comments are closed