Munaasabad Lagu Daah Furayay Wareega 1aad Eee Ol’olaha Talaalka ka Hortaga Cudurka Dabaysha Oo Ka Dhacday jigjiga.

1Jigjiga (estvlive) 10/01/2017

Waxaa guud ahaanba deegaanka ka bilaabmay  wareegii 1aad  ee ol-olaha talaalka ka hortaga cudurka dabaysha(Polio) ee sanadka 2017. Haddaba,  Munaasabada lagu daah-furayay wareegii 1aad ee ol-olaha talaalka ka horta  cudurka dabaysha  ayaa  ka dhacday barxada xafiiska caafimaadka DDSI. waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiinta xafiiska caafimaadka DDSI oo ugu horeeyo wasiirka caafimaadka DDSI, masuuliyiinka socoday hay’adaha ay baw-wadaagta yihiin xafiiska caafimaadka DDSI  iyo marti   sharaf kale.

 

Waxaana  ka hadlay  furitaankii munaasabadan wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada uu  leeyahay  talaalkan lagaga hortagayo cudurka dabaysha ee laga talaalayo caruurta dadoodu ka yartahay 5sano, wasiirka ayaa ka warbixiyay dadaalada  balaadhan ee xafiiska caafimaadku ugu jiro sidii looga hortagi lahaa cudurada faafa ee ay ka mid tahay dabashay (polio) isaga oo sheegay in guud ahaanba uu maanta ka bilowday talaalkan ka hortaga cudurka dabayshu degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka DDSI. wasiirka ayaa ku booriyay masuuliyiinta maamulada heerarkooda kala duwan iyo waalidiinta caruurtu in ay kaalin libaax ka qaatay hirgalinta ol olaha talaalka ka hortaga cudurka dabaysha.

Waxaa kale oo ka hadlay furitaankii xafladan  Gadhwadeenka geedi socodka kor u qaadida caafimaad ka hortaga cudurada iyo fayo dhawrka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Caydaruus Axmed  oo ka warbixiyay dadaalada xoogan ee xukuumada DDSI gaar ahaan  xafiiska caafimaadka DDSI  ugu jiraan sidii loo joogtayn lahaa qorshaha lagaga hortagayo dhamaanba cudurada faafa, gaar ahaan ka hortaga iyo tir tiritaanka  cudurka dabaysha(polio) wuxuuna sheegay in ol olaha talaalka ka hortaga iyo dabar goynta cudurka dabaysha in uu si rasmiya uga bilowday dhamaan degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka DDSI  Isaga oo si mug leh ugu booriyay waalidiinta in ay caruurta da-doodu ka yar tahay shan jir u diyaariyaan talaalka, sidoo kale waxa uu mamuulku kula dar-daarmay iyo xirfadlayaasha caafimaadka deegaanka ee  fulinaya ol-olahan in ay u fuliyaan sidii loogu talagalay gaadhsiinaayna goobkasta iyo gurikasta.

 

Gabagabadii xafladan ayaa waxay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane xasan ismaaciil cali iyo   agaasinada waaxaha kala duwan ee xafiiska caafimaadku  dhib-cihii ugu horeeyay wareegan 1aad ee talaalka ka hortaga iyo tir tirida cudurka dabaysha ay ku tiixiyeen/dhib-ciyeen caruurtii da-doodu ka yarayd 5 jirka ee ka soo qayb-galay xafladan furitaanka.

Comments are closed